Thursday, December 1, 2022

Suaalo diini iyo maadi siku jiro

suaal  1; Sheeg sanadkii uu geeriyooday Cabdullahi Binu Cumar?


jawaab.Cabdullahi Binu Cumar wuxuu geeriyooday sanadkii 73 Hijriga oo ay ku beegnayd sanadkii 610 miilaadiga.

suaal 2;Sheeg waa imisa tiirarka Islaamka?

jawaab. waa shan tiirarka islaamka

suaal3 3; Sheeg imisa jeer ayaa lagu xusay nabi Nuux quraanka kariimka

jawaa.Nabi Nuux quraanka waxaa lagu xusay: 43 jeer

suaal 4;Sheeg nabigii Jinka amri jiray?

jawaab, Nabigii Jinka amri jiray wuxuu ahaa: nabi Suleymaan (cs)

suaal 5;Sheeg inta jeer ee quraanka lagu sheegay cayayaanka Tixsiga?

jawaab,Xayawaanka Tixsiga ama Duqsiga loo yaqaano waxaa quraanka lagu sheegay Laba jeer, waxaana labada jeerba lagu sheegay aayada 73 ee suurada Al-xaj

suaal 6 ; Sheeg suurada ay kuwada jiraan aayadaha axkaamta dhaxalka oo dhan?

jawaabWaa: suurada Al-nisaa (سورة النساء).


 




Diinta maxay ka qabtaa in dumarka meherkooda ka dhigaan ninka oon xaas kale la guursan?

Sheekadan cusub ee hadal haynta dhalisay ayay ka dhasheen suaalo ay dadka isweeydiinayaan inay diin ahaan sax tahay iyo in kale. Sheekh Cabdullaahi Muxumad Yarow (Naxoow) oo ka mid ah culimada wax kusoo bartay Jaamacadda Madiina, ayaa BBC-da u sheegay in diin ahaan aysan wax dhib ah lahayn in ninku uu xaaskiisa la galo heshiis noocaasoo kale ah. "Ninku inuu 1 xaas iyo ilaa 4 xaasba isla guursado hal mar, haddii uu shuruudaheeda kasoo baxo, waa xaq uu Alle siiyay, wuu sameyn karaa wuuna iska dhaafi karaa," ayuu yiri. Maxaad u samayn kartaa jacayl dartii? Jacayl uu Jeel Ogaadeen kala dhantaalay ee jabhadnimo u horseeday caruusad Dr Cabdullaahi Muxumad Yarow XIGASHADA SAWIRKA,DR CABDULLAAHI MUXUMAD YAROW Qoraalka sawirka, Dr Cabdullaahi Muxumad Yarow Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Wuu ka tanaasuli karaa xaqiisii ahaa inuu xaas labaad guursado wax dhib ahna ma laha oo waa wax uu iska deyn karo ama sameyn karo. Waxa ay labada qof ku heshiiyeen haddii aysan ahayd arrin ka hor imaaneysa diinta ama cibaadada waxba kuma jabna." "Waxaan la oggoleyn in qofka lagu xiro shuruudo diintiisa dhaawacaya sida in la dhoho salaadda ha tukanin ama wax kale oo waajib ku ah." Sheekh ayaa intaas ku daray in dhanka kale loo baahan yahay ballamaha ay dadka Muslimiinta ah galaan in sidooda loo fuliyo. "Fulinta ballanta iyo waxa lagu heshiiyay waa arrin muhiim ah, waa al Muslimuuna calaa shuruudhihim [Muslimiinta waxaa waajib ku ah inay fuliyaan waxa ay ku heshiiyeen]." Mowduucyada la xiriira Soomaaliya Qoys Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan Lamaane Maxaad u samayn kartaa jacayl dartii? 11 Sebtembar 2017 Nicmo Sheekh Maxamed Digil Jacayl uu Jeel Ogaadeen kala dhantaalay ee jabhadnimo u horseeday caruusad ONLF ku jirtay 26 Nofembar

Suaalo diini iyo maadi siku jiro

suaal   1;  Sheeg sanadkii uu geeriyooday Cabdullahi Binu Cumar? jawaab. Cabdullahi Binu Cumar wuxuu geeriyooday  sanadkii 73 Hijriga  oo ay...